Hogaamiye kooxeed hore Bare Hiiraale oo Kismaayo gaaray

Filed under: WARARKA MAANTA |

Kismaayo (HNN) – Waxaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose hogaamiye kooxeed hore Coll Bare Aadan Shire Bare Hiiraale oo dhawaanahaan ku sugnaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Socdaalka Bare Hiiraale ku gaaray Magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid aan horay loosii shaacin, waxaana la filayaa inuu ku sii nagaan doono Kismaayo Maalamaha soo socda.

Coll Bare  ayaa  xaqiijiyay Safarkiisa Magaalada Kismaayo inkasta uu ka gaabsaday Faah faahin dheeraad ah oo ku aadan safarkiisa inuu bixiyo.

Waayahaan ayaa Kismaayo waxaa ku qul qulayay  siyaasiyiin caan ka ah gudaha Soomaaliya inkasta oo lagu eedeynayay in ay isku kaashanaaan qaabkii ay isugu hor gudbi lahaayeen hanaanka gedi socodka nabada Soomaaliya.

Hiiraale horay waxa uu uga kid ahaa hogaamiye kooxeedyaadii dalka Soo maray isaga oo si gaar ah, uga mid ahaa siyaasiyiintii  Kismaayo awooda ku lahaa, waxa uuna dhawaan mar uu lahadlayay beshiisa kula balamay in ay hogaanka Jubooyinka Noqdaan.

Hadaf News Network

Leave a Reply